Make your own free website on Tripod.com

Khamiis 3, Dec, 2009  Dagaalo aan la ogeyn khasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen ayaa xalay iyo saakay ka dhacay Magaalada Muqdisho, kuwaasoo u dhexeeya xoogaga hubeysan, ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Weerarro lagu qaaday kulliyadii Jaalle Siyaad iyo Warshadii Kabka ayay dagaalladan ka bilowdeen, waxaana dhinacyadu ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo dhinacyadu ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan khasaaraha dhashay.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaal saakay ka dhacay jidka warshadaha uu sababay dhaawaca haweeney rayid ah, iyadoo dagaalku uu socda muddo gaaban, wuxuuna noqonayaa weerarkii labaad oo lagu qaado saldhigyada tan iyo xalay.